Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Howlgal lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Muuse Xaaji (Sawirro)

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanayay ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Muuse Xaaji oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah ayaa dagaal kala kulmay xubno katirsanaa Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka ciidamada weerarka ku qaadeen.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland iyo kuwa kumaandooska Soomaaliya weerar ku qaadeen deegaan ay isku aruursanayeen xubno katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay heleen xogta xubnahan katirsan Al Shabaab , waxa uuna cadeeyay in howlgalka lagu dilay 10 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab tiro kalana looga dhaawacay.

Howlgalkan ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose wadaan diyaar garow ay ugu jiraan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo laga bilaabo Jubooyinka.

Related posts

Muwaadin Soomaaliyeed oo shalay ka badbaaday isku day dil oo maanta la dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo qoraal xasaasi ah gaarsiiyey Wasaarada amniga DF

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo maanta furay shirka dib u habeynta Maaliyadda dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---