Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Geelle oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay Muqdisho

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigii uu horkacayey oo booqasho saddex cisho ah ku joogay Muqdisho ayaa ka dhoofay Garoonka Aadan Cabdulle iyagoo ku laabtay dalkooda hooyo.

Madaxweyne Xassan Shiikh iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada Somalia ayaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magalada Muqdisho ku sii sagootiyey wafdiga Madaxweyne Geelle.

Isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho ayaa caadi ku soo laabtay wixii ka dambeeyey duhurnimadii maanta ka dib markii labadii cisho ee la soo dhaafay loo xiray booqashada Madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Billad Qaran oo uu ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guddoonsiiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa Jabuuti Ismaaci Cumar Geelle ayaa xarigga ka jaray shalay Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga oo xarunteeda laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ayaa isla shalay hadal ka jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal isagoo u sheegay xildhibaanada in dowladda iyo shacabka reer Jabuuti ay taageereyaan dagaalka dalka looga xorreynaayo kooxda Al-Shabaab oo uu xusay in dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato ba’an ku hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raaf ka dhan ah ajaaniibta oo saakay ka bilowday magaalada Garowe

Cabdi Cade

Maamulka Bankiga dhexe oo War ka soo saaray Dabkii qabsaday xarunta Bankiga (Akhriso)

Caydiid Ali

Sanbaloolshe oo Farta ku fiiqay ciddii ka dambeesay qaraxii lagu dilay Xildhibaan Aamina

Cabdi Cade
Taboola Ads ---