Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la soo sheegayaa iney ka soo ambabaxeen degmada Buuhoodle iyagoo ku wajahan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo rabshado ay ku dhexmarayaan ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.
Sida wararku nagu soo gaarayaan ciidankan oo taabacsan Maamulka Puntland ayaa u gurmanaya shacabka magaalada Laascaanood oo maalintii 4aad wada kacdoon ay kaga soo horjeedaan maamulka Somaliland.
Waxaa laga cabsi qabaa in magaalada Laascaanood uu ka qarxo dagaal toos ah oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa ka baxay degmada Buuhoodle ee ku sii jeeda magaaladaas.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili maanta ciidamada Somaliland ay ku laayeen magaalada Laascaanood dad shacab ah oo ku jiray Shiikh Bidde Faarax Caalin oo ka mid ah qurbajoogta gobolka Sool, waxaana la soo sheegayaan in dad badan oo dhaawacyo qaba ay daadsan yihiin Isbitaalada magaaladaas.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com