Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Rabshado ka bilowday magaalada Diri-dhabe iyo Ciidamo badan oo magaalada soo galay

Rabshado xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka bilowdeen magaalada Diri-dhabe, rabshadahan ayaana daba socda sida aan Wararka ku heleyno rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Jigjiga.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in rabshadahan ka bilowdeen Xaafadda Ashawa ee magaalada Diri-dhabe, waxa ayna markii dambe rabshaduhu kusii fideen xaafado kale oo magaaladan katirsan.

Rabshadaha ka socda magaalada Diri-dhabe ayaa u dhaxeeya dhalinyaro Soomaali ah iyo dhalinyaro kasoo jeeda Qowmiyado kale oo Itoobiyaan ah, waxa ayna rabshadahan sababaeen in la xiro goobaha ganacsi ee magaaladaasi.

Xaalad fowdo iyo jahawareer  ayaa ka taagan qeybo kamid ah magaalada Diri-dhabe, waxaana magaalada isku dhax eryanaya dhalinyaro badan oo wata budad ,baangado iyo ulo waa weyn.

Ciidamo badan oo katirsan booliiska Federaalka Itoobiya ayaa gudaha usoo galay magaalada Diri-dhabe, waxa ayna ciidamada awood u adeegsanayaan dadka sameenaya rabshadaha magaalada ka socda.

Khasaaraha ka dhashay rabshadahan ka qarxay magaalada Diri-dhabe ayaan wali la ogeyn inta uu la egyahay, waxaana qeybo badan oo magaalada ka jirta cabsi laga qabo in ay isku dhacyo ka dhacaan.

Rabshadana maanta ka bilowday magaalada Diri-dhabe ayaa daba socda rabshado xoogan oo shalay ka dhacay magaalada Jigjiga ee caasimada Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sirdoonka Itoobiya oo xabsiga u taxaabay 34 xubnood oo looga shakiyey Al-Shabaab

Caydiid Ali

Askari AMISOM katirsanaa oo Shaqada laga eryay kadib markii uu kufsaday Gabar aad u yar

Cabdi Cade

Sidee ku dhacday 16-askari oo kasoo lugeysay Kismaayo in ay tagaan Baraawe ? !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---