Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Danjire Mohamed Souef oo hal arrin ka balan-qaaday Madaxweyne Qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Mohamed Souef.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dhowr ah oo ay ugu weyntahay xaaladaha amni iyo sidii ATMIS qeyb uga noqon laheyd howlgalada Galmudug ay hogaamineyso ee lagu baacsanayo khawaarijta.

Qoorqoor ayaa u sheegay wakiilka Midowga Afrika dedaalka Maamulkiisu ugu jiro la dagaalanka iyo ciribtirka kooxda Al-shabaab iyo sidii adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa degaanada laga saaray kooxdaas.

Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Mohamed Souef ayaa bogaadiyey dedaalka ay DF iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ugu jiraan sugida amaanka dalka iyo ciribtirka Al-Shabaab isagoo balan-qaaday in ciidamada ATMIS ay doorkooda ka qaadan doonaan howlgalada socda iyo guud ahaan taageerada kale ee loo baahan yahay.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa madaxda dowlad goiboleedyada dalka ee ka qeyb galay shirkii golaha wada tashiga Qaran ee maalin ka hor la soo xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Oday dhaqameed cabasho ka muujiyey Dhul Masjid laga dhisi lahaa oo looga heysto Kismaayo

admin

Maxaa ka jira in dalalka Mareykanka & UK ay ciidamo u dirayaan Magaalada Gaza?

Caydiid Ali

Basaasiinta Ruushka ee Internetka oo beegsaday 42 dal oo xulafo la ah Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---