Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo amar ku bixisay in hawada laga saaro Isgaarsiinta & Internetka Laascaanood

Somaliland ayaa ku amartay Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee ka howlgasha Puntland inay hawada ka saarto adeega telefanada iyo Internet-ka magaalada Laascaanood.

Ma’suul ka tirsan Shirkadda Golis ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyey inuu soo gaaray amarkaas balse ay hadda ka fiirsanayaan sida au ka yeeli lahaayeen

Ujeedada Somaliland ka leedahay talaabadan ayaa la sheegay iney tahay sidii kacdoonka sii xoogeysanaya ee Laascaanood ka socda loo demin lahaa.

Sidoo kale shirkadaha Internet-ka ee ka hawlgala Somaliland ayaa amarkan la gaarsiiyey sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

Weli ma cadda jawaabta ay Shirkadaha Isgaarsiinta ka bixin doonaan amarka Somaliland oo saamaynaya igaarsiinta magaalada Laascaanood.

Ugu yaraan shan qofood ayey Booliska Somaliland ku dileen Magaalada Laascaanood ka dib markii ay isku dhaceen Booliska iyo dibed baxayaal ka careysan dilal qorsheysan oo magaaladaas ku batay mudooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeeysan fal dil ah

Caydiid Ali

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay hogaanka ciidanka XDS?

Caydiid Ali

Xeerka Maamulada degmooyinka gobolka Banaadir oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---