Ciyaaryahankii caanka ahaa ee reer Brazil Edson Arantes do Nascimento Pele oo noqday ciyaartoygii ugu caansanaa taariikhda casriga ah, ayaa geeriyooday isagoo 82 jir ah.
Geerida ninka kaliya ee seddex jeer ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo ciyaaryahan ah ayaa waxaa Instagram-ka ku xaqiijisay gabadhiisa Kely Nascimento.
Pele waxa uu si joogto ah u qaadanayey daawaynta kiimiko tan iyo markii buro kansar ah laga soo saaray mindhicirkiisa Sebtembar 2021.
Waxa kale oo dhib ku ahayd inuu socdo isagoon la caawin tan iyo markii qaliinka lagu sameeyay lagu guul daraystay sanadkii 2012.
Pele ayaa ku biiray kooxda Santos 1956-kii, wuxuuna kooxdaas yar u rogay mid ka mid ah magacyada ugu caansan kubadda cagta.
Marka laga soo tago koobab badan oo heer gobol iyo heer qaran ah, waxa uu ku guuleystay labo Copa Libertadores, oo ka tirsan Koonfurta Ameerika kaasoo u dhigma Champions League, iyo laba koob oo Intercontinental Cup, oo ah tartanka sanadlaha ah ee ay qabtaan kooxaha ugu fiican Yurub iyo Koonfurta Ameerika.
Waxa uu qaatay saddex billadood oo uu ku guuleystay Koobka Adduunka, markii ugu horreysay isaga oo 17 jir ah kaasoo lagu qabtay Sweden 1958-kii, kii labaadna waxa uu ka dhacay Chile afar sano ka dib – inkastoo uu inta badan tartanka ku seegay dhaawac – iyo kii saddexaad oo ka dhacay Mexico 1970kii. , markii uu hogaaminayay koox loo arko inay tahay mid ka mid ah kooxihii ugu fiicnaa ee abid ciyaarta kubada cagta.
Waxa uu ka fariistay ciyaaraha 1974-tii balse sanad kadib waxa uu sameeyay soo laabasho lama filaan ah kadib markii uu u saxiixay heshiis faa’iido leh oo uu ugu biirayo kooxda New York Cosmos.
21 sano oo uu ku jiray xirfadiisa quruxda badan waxa uu dhaliyay 1,283 gool.
Caannimadiisu inta badan waxay ahayd mid xad dhaaf ah. Dadka waaweyn ayaa si joogto ah ugu ooya hortiisa. Gurigiisa wuxuu u jiray wax ka yar hal mayl xeebta, laakiin ma uusan tagi Jirin halkaas ilaa labaatan sano cabsi laga qabo dadka caanimadiisa awgeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com