Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Geelle oo la kulmay Gabdhaha Agoonta ee Iskuulka Boondheere (Sawirro)

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta ah ee Iskuulka Boondheere.

Iskuulkan waxaa dhismihiisa iyo taakuleyntiisaba qayb weyn ku leh Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa xog wareystay xaaladda Ardayda Agoonta ah ee dugsigan, iyagoo warbixin ka dhageystay maamulka iyo macallimiinta oo uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inay gacanta ku hayaan dugsiga gabdhaha agoonta ah ee Boondheere.

Madaxweyne Geelle ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay wax iska bedeleen qorshihii markii la shaaciyey ee ahaa in booqashadii caasimada Somalia ay qaadan doonto labo cisho.

Waxaa habeenkii labaad xaniban dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha noocyadiisa kala duwan, iyadoo ciidamada amaanka oo aad u hubeysan ay weli dhooban yihiin jidadka xiran oo saameyn adag ku yeeshay nolosha shacabka magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay xus weyn oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciyaaryahan caan ka ah Yurub oo sanka ka jabiyay Fanaan ay murmeen !!

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo ka hadashay shacabkii saaka ciidanka AMISOM ku dileen Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---