Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Weerar Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Degmada Afgooye

Warar goordhaw aan helnay ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay bar-koontarool oo kuyaala degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaari Homy ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray bar koontarool ay ku sugnaayeen ciidanka booliiska Soomaaliya oo ku dhaw halka loo yaqaan Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye.

Weerarkan Ismiidaaminta ah waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka dowlada iyo sidoo kale dad shacab ah oo ku sugnaa goobta la qarxiyay.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali faah faahin badan ka bixin qaraxan Ismiidaaminta ah ee ka dhacay degmada Afgooye iyo Khasaaraha ka dhashay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo Arrimo muhiim ah kala hadashay Dowladaha Tanzaniya iyo Gabon

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo Xil u magacawday Abwaan Soomaaliya Caan ka ah

Cabdi Cade

Khilaaf ka taagan Doorashada labo kursi oo katirsan Aqalka Sare oo Jowhar ka dhici laheyd

Cabdi Cade
Taboola Ads ---