Mudanayaasha labada Aqal ee baarlamaanka Dalka ayaa yeeshay kulan aan caadi aheyn kaasoo uu khudbad ka jeediyay madaxweynaha jamhuuriyadda walaalaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 1-aad wadajirka ah ee aan caadiga aheyn oo ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay isla-markaana ku soo dhaweeyay Baarlamaanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo labo maalin oo booqasho uu ku joogo dalka, isagoo sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay aad uga faraxsan yihiin isla-markaana kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay dib u dhiska dowladnimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti oo hadal ka jeediyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee labadiisa aqal ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee reer Jabuuti ay taageereyso dagaalka dalka looga xorreeynaayo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab oo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed dhibaato ba’an ku haaya kaalin buuxdana ka qaadan doonaan la dagaalanka argagaxisada.
Madaxweyne Geelle ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada labada aqal, wuxuuna ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, una shaqeeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Waxaa si gaar ah loogu baahan yahay in gacmaha la’is qabsado dalka dhibaato ayuu ku jiraa hiil ayuuna u baahan yahay” ayuu yiri Geelle.
Mar uu ka hadlayey guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab ayuu sheegay in Shacabku uu kacay Xildhibaanaduna ay yihiin dadkii horkacayey, loona baahan yahay in guulaha la gaaray la xoojiyo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in kooxda Al-Shabaab ay la shaqeeyaan khubaro ajnabi oo waddanka kasoo gala dhinaca xeebaha, wuxuuna xusay inay u farsameeyaan qaraxyada ay ku laayaan dadka, isagoo ku baaqay in si wadajir ah loo xoojiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com