Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag uga hadlay xaalad ka taagan Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay waddooyinka magaalada Muqdisho ee u xiran safarka Madaxweynaha Jabuuti uu caasimadda ku joogo maalintii labaad.

Siyaasigan ayaa sheegay in shacabka magaalada Muqdisho dhibbane u yihiin xirnaashaha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada iyo isku socodka dadka ee la xanibo .

Qoraalkan ayuu uga hadlay Cabdiraxman Cabdishakuur Xirnaashaha waddooyinka Caasimadda .

Tobankii sano ee ugu danbaysay shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin waddooyinka la xirayo iyo socodka dadka oo la xannibayo.

Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan.

Related posts

Ruushka iyo Taliban oo ka hadlay xanta sheegaysa iney wada shaqeeyaan

Caydiid Ali

Mashaariic ay ku Baxeyso $ 9 million oo laga fulinayo Muqdisho iyo Magaalooyin kale

Cabdi Cade

RW Rooble oo ka hadlay safarkiisii Jowhar iyo dhibaatadii uu ku soo arkay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---