Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiiro cusub uu ku jiro C/laahi Goodax oo goordhaw la magacaabay (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabis Wasiiro cusub iyo Iskushaandheyn loogu sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirada.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre  ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya, halka Wasiirka Xanaanada Xoolaha isna loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Sheekh Nuur Maxamed oo horey u ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha loogu magacaabay in uu noqdo Wasiirka Diinta, Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka  C/raxmaan Cabdi Xaashi, waxaana Wasiirka Cusub ee Kaluumeysiga loo magacaabay C/llaahi Bidhaan Warsame.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale xilka looga qaaday Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur, waxaana Wasiiru Dowlaha Cusub ee Madaxtooyada loo magacaabay C/Qaadir Sheekh Bagdaadi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Miisaaniyadda dowlada ee 2019 Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyaddii 2018 oo dib loogu noqonayo iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade

Weriye dhaliilay dowlada Xassan Shiikh oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali

Taliska NISA oo soo saaray digniin la xiriirta khilaafka siyaaadeed ee Madaxda DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---