Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in wali halkaasi ka jiraan xaalad kacsanaan ah, waxaana saakay xiran inta badan goobihii ganacsi ee ku yaallay magaaladaasi.
Magaalada Laascaanood waxaa xalay ka dhacay bannaan baxyo rabshado watay oo ay dhigayeen shacabka magaaladaasi oo kasoo horjeeda ciidamada maamulka Somaliland, kuwaa oo dil u geestay shacab bannaan baxayay.
Ciidamada Somalilanda ayaa rasaas nool nool u adeegsaday dadka dhigayay bannaan baxa looga soo horjeeday, waxaana xalay magaaladaasi dhaawac ay u geesteen ciidamada Somaliland ugu geeriyooday wiil dhallinyaro, halka labo qof oo kalana horey u dileen.
Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood oo ka carreesan dilalka kusoo noq noqday magaaladaasi ayaa wada abaabulka bannaan baxyo kale oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland ee magaaladaasi ka arrimiya.
Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay rabshadaha ka dhacay magaalada Laascaanood ee dhaliyay khasaaraha, waxa uuna ku baaqay in xaalada la dejiyo lagana shaqeeyo xasiloonida.
Muuse Biixi ayaa sheegay in dilalka dhacaya iyo rabshada ay ka dambeeyaan cadow dagaal kula jira Somaliland. Waxa uu xusay in hadda ay gobolka ku suganyihiin wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiinta gobolka kuwaa uu ku booriyay in xaaladda dejiyaan.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay qaybaha bulshada ee gobolka Sool in xaaladda magaalada Laascaanood la xakameeyo oo ay ka shaqeeyaan in dhib dheeraad ah aanu ka dhicin magaalada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com