Guddiga doorashada Xiriirka Kubadda cagta Soomaliya ayaa u hoggaansamay amarkii FIFA ee ahaa in aysan maanta qaban karin wax doorasho ah, dibna ay ugu laabtaan hab-raaca doorashada oo kursiga u xirayay gudomiyaha XSKC Cali Shiine.
Guddiga doorashada Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray in la baajiyey doorashadii maanta la qaban lahaa, ayna dib ka soo sheegayaan xiliga kale ee la qaban, iyadoo tani ay ku soo aaday xili FIFA ay sheegtay ineysan aqoonsan doonin natiiijo kasta oo ka soo baxda doorashadaas.
FIFA ayaa Qoraal ay shalay soo saatray waxay si weyn ugu canaanatay xafiiska xogheynta iyo guddiga doorashadda, waxayna ku celisay inaan la qaban karin doorashada hogaanka xiriirka Kubbada cagta Somalia oo lagu waday in maanta lagu qabto Muqdisho.
FIFA ayaa Guddiga doorashadda si cad ugu sheegtay in go’aamaddi ay gaareen ay dib ugu laabtaaan oo ay saxaan, doorashadana la furo, ama in markale dib loo soo bilaabo hanaan doorasho oo loo sameynayo road map cusub.
Arritan ayaa ku soo beegantay xili Khilaaf xooggan uu ka dhex qarxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga DF iyo xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta kaasoo salka ku haya doorashada gudoonka cusub ee xiriirkaas.
War saxaafadeed dhowaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay ineysan aqbali doonin doorasho hal dhinac ah oo loo qabto gudoonka XSKC.
Wasaarada ayaa intaas ku dartay in loo baahan yahay doorashada gudoonka xiriirka kubada cagta in loo qabto si cadaalad ah oo daah furan.
Hadalka Wasaarada ayaa daba socday qoraal uu dhowaan soo saaray guddiga doorashada Xiriirka kubbada cagta Soomaaliya oo lagu sheegay inuusan jirin musharax soo buuxiyey shuruudaha doorashada hogaanka xiriirka, marka laga reebo Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo ah Guddoomiyaha xilka sii haya ee xiriirka Kubadda Cagta, taasoo ka dhigan ineysan jirin cid Gudoomiye Cali Shiine kula tartameysa doorashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com