Allbanaadir.com
NEWS

Dal ay joogaan ciidamo Nabad ilaalin ah oo boqolaal askari u diray dal kale (Sawirro)

Afhayeenka Milliteriga dalkaasi Koonfurta Sudan Sareeye Gaas Lul Ruai Koang ayaa sheegay inay 750 Askari dhawaan sida ugu dhaqsaha badan ugu diri doonaan Bariga dalka Koongada Dimuqraadiga.

Lul Ruai Koang ayaa hadalkaasi ka sheegay  Munaasabad ka dhacday caasimadda dalkaasi ee Juba, xilli la filayo in Ciiddankaasi loo daad-gureeyo dalka DRC, halkaasoo ay bilihii la soo dhaafay ku dagaalamayeen Ciidanka Dowladda iyo Fallaagada hubeysan ee M-23.

Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan, Salva Kiir oo isna ka hadlay Munaasabaddaasi ayaa ciiddankaasi kula dardaarmay inay Amarka dhowraan iyo inay waxyeelada ka ilaaliyaan Dadka Rayidka iyo Hantidooda.

Ciiddanka 750-ka Askari oo muddo ka badan 6 bilood qaadanayey Tababar, waxaa laga soo kala xulay Ciiddamo la isku dhafay oo ka kala socday Milliteriga Dowladda iyo kuwa mucaaradka ee taabacsanaa Madaxweyne-ku-xigeenka Riek Machar.

Koonfurta Sudan waxaa ku sugan waxaa ku sugan ciidamo ku howlgala magaca Qaramada Midoobay iyo midowga Afrika oo ilaalinayey heshiis nabadeed oo ay gaareen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dalkaas ka dib markii dagaalo culus ay dhexmareen ciidamo kala taabacsan.

Horey, Ciiddan ka socday dalka Kenya ayaa loo daad-gureeyey dalka Koongada Dimuqraadiga  halka ciidamo kale oo ka kala socda dalalka Burundi iyo Uganda lagu biirin doono, kuwaasoo qeyb ka noqon doona Hawlgalka Ciiddamada dalalka xubnaha ka ah ururka  The East African Community (EAC).

Jabhadda M-23 waa maleeshiyo ka soo jeeda  Qowmiyada Tutsiga ee degta DRC, kuwaasoo dagaal kula jira Dowladda wadankaas. heshiis nabadeed ayaa horey u dhexmaray labada dhinac hase ahaatee Jabhada ayaa mar kale bilowday dagaal, iyagoo ku eedeynaha dowlada iney ka caga jiiday fulinta heshiiska la gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiilal Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay dalka Koonfur Afrika (Sawiro iyo Magacyada)

Cabdi Cade

Xog ku aadan Tirada Dadka uu shaqaaleesiiyay Wasiir Cabdisaciid iyo Qabiiladooda !(Akhriso)

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo howgal qorsheysan ku dilay Cali Garweyne iyo ilaalo la socotay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---