Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir uu xilka ka qaaday Madaxweyne Deni oo urursanaya maleeshiyo hubeysan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa shaaciyey in degaanka Karin-dhiig ee gobolka Nugaal ay jidgooyo dhigteen Maleeshiyo oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

Siyaasigan ayaa horey uga tirsanaa xubnaha sida weyn ugu dhow Madaxweyne Saciid C/llaahi Deni isagoo sidoo kale ku jiray kooxdii Aaran-jaan ee siyaasad ahaan taageereysay Deni balse markii dambe  Madaxweynuhu uu xididada u siibay.

“Maleeshiyaad hubaysan ayuu Xasan Shire Abgaal la galay buuraleyda Karindhiig, isagoo doonayaa inuu colaad cusub ka abuuro, Puntland” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Juxa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay inaysan hadda jirin wax jid-gooyo ah oo halkaas taalla balse saacado kooban lagu arkay dabley hubaysan nawaaxiga dalcadda Karin-dhiig.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli la baajiyay gaadiidkii ka bixi lahaa Garoowe ee agabka diiwaan-gelinta u qaadi lahaa dhinaca gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa culeyso waaweyn kala kulmaya  doorasho qof iyo cod ah oo uu doonayo inuu qabto marka waqtigsiisu dhamaado, hase ahaatee siyaasiyiinta ka soo hojeeda ayaa aaminsan in qorshahaas lagu hoos wado muddo kororsi uu damacsan yahay Deni maadaama waqtiga yar ka haray muddo xileedkiisa aan lagu qaban karin doorasho dadweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Sudan oo War kasoo saartay Geerida Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo shalay un ogaaday in Lloyd Austin isbitaal la dhigay iyo dood ka dhalatay

Cabdi Cade

Wasiir Oomaar oo ka hadlay warar sheegayey Masuul lagu xiray garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali