Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa diiday sharci xiligii Trump la soo saaray oo ka hor istaagay kumannaan magan-galyo doon ah inay ka gudbaan xadka Mexico iyo Maraykanka.
Sharcigan oo lagu magacaabo (Title-42) ayaa laamaha ammaanka awood u siinaya inay celiyaan dadka sida sharci darrada ah u doonaya inay uga tallaabaan xadka Mexico iyo Maraykanka.
Joe Biden Madaxweynaha Maraykanka ee hadda xilka haya ayaa soo jeediyey in sharcigan meesha laga saaro, hase ahaatee waxaa ka biya diiday dadka kasoo hor jeeda in soo galootiga xadka loo furo.
Biden ayaa markii dambe soo jeediyay in sharcigani uu sii shaqeeyo balse isbaddal lagu sameeyo si loo debciyo, taasoo iyana shaqeyn weysay.
Sharicigan ayaa lagu fuliyay dad ka badan 2.5 milyan oo qof tan iyo bishii March ee sanadkii 2020. Sida qorshuhu ahaa, waxa uu sharcigan dhici lahaa 21-kii bisha December ee sanadkan, balse labo maalmood ka hor xilliga uu ku ekaa ayuu goddoomiyaha maxkamadda ugu saraysa Maraykanka, John Roberts, hor istaagay in Meesha laga saaro.
Kumanaan tahriibayaal ku sugan xadka Mareykanka iyo Mexico ayaa ka niyad jabay talaabadan ay qaaday maxkamada sare ee Mareykanka, kuwaasoo qaarkood sheegayaan ineysan heysan fursad kale oo ay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, ayna ku dhiman doonaan xadka labada dal.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com