Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Masuulyiin ka tirsan dowlada Somalia loo xiray la shaqeynta Al-shabaab?

Agaasimihii ku meel gaarka ahaa ee hay’adda Nabad-sugidda NISA Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay in xiligii uu joogay hogaanka NISA ay xabsiga dhigeen masuuliyiin ka tirsan dowladda oo la ogaaday iney Al-Shabaab la shaqeeyaan.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo hadda ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya ayaa intaas ku daray in la maxkamadeeyay masuuliyiinta ay xireen qaarkood.

“Waa xaqiiqo iney jiraan masuuliyiin ka tirsan dowlada iney la shaqeeyaan Khawaarijta, balse waxa laga rabaa dowladda jirta inay taxadar dheeri ah ka sameyso oo qofkii cadeyn buuxda lagu helo tallaabo adag ka qaado” ayuu yiri

Farey ayaa ka war-wareegay inuu magac dhabo magacyada masuuliyiinta dowladda ka tirsanaa ee uu xiray intii uu joogay hogaanka NISA, hase ahaatee waxaa uu carabka ku dhuftay in illaa hadda ay jiraan kuwo la shaqeeya kooxdaas oo xilal haya dowladda, kuwaasoo uu sheegay in loo baahan yahay dabagal in lagu sameeyo.

Yaasiin Farey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dowladda iyo Al-Shabaab ay wada shaqeyn toos ah ka dhexeyso, wuxuuna xusay iney jiraan ama jiri karaan shaqsiyaad dowladda ka tirsan oo la shaqeeya kooxdaas, isagoo xusay in siyaasad ahaan dowlada iyo Al-shabaab aysan wada shaqeyn yeelan karin maadaama uu midba kan kale u arko cadow.

Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu shaaciyay inay jiraan saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka dowlada oo fududeeya qaraxyada la soo galiyo Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay iney ku hayaan baaritaan cidii ay ku cadaatana laga qaadi doono talaabo adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo dhaleeceyn kala kulmay sawir uu la galay Col. Tuke

Caydiid Ali

Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aaden oo goordhaw Taliye Ciidan loo Magacaabay

Cabdi Cade

Raisul wasaare Kheyre oo sheegay in Maraykanku aysan joojin taageerada ciidamada Somalia

Caydiid Ali