Milateriga Federaalka Itoobiya ayaa gudaha u geli doona saacadaha soo socda magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray sida laga soo xigtay la taliyaha amniga Qaranka ee Raisal Wasaare Abiy Ahmed Redwan Hussain oo ka qayb galay wada xaajoodkii madaxda TPLF.
Xoogagga TPLF ayaa hubkooda culus ku wareejin doona ciidamada federaalka Sida uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ku gaareen Nairobi
Wafdigii ugu horeeyay oo ka socota dowladda federaalka Itoobiya ayaa gaaray maalmo ka hor magaalada Mekele ka dib markii la soo afjaray dagaal lagu hoobtay oo labada dhinac ku dhexmaray woqaayiga iyo bartamaha alkaas labada sano ee la soo dhaafay.
Dhinaca kale, Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa dib u bilowday maanta duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimada gobolka Tigray ee Mekelle .
Muddo ku dhaw 18 bilood ayaysan shirkadda wax duulimaad ah ku tagin gobolka Tigray ka dib dagaalkii ka qarxay halkaasi, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada fedraalka iyo xoogaga TPLF.
Mesfin Tasew oo ah Madaxa shirkadda ayaa sheegay in duulimaadyada bilowday ay yihiin kuwa dib isugu keenaya qoysaska dalkaasi ee dagaalku kala irdheeyey labada sano ee laga soo gudbay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com