Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa sii daysay nin kufsaday haweeney kadib markii uu guursaday dhibbannihiisa, taasoo ka dhalatay heshiis ay ka shaqeeyeen odayaal dhaqameedyo, waxaa sidaas maanta sheegay qareenkiisa.
Go’aankan ayaa ka careysiiyey kooxaha u dhaqaaqa xuquuqda aadanaha, kuwaasoo sheegay inuu sharciyeynayo rabshadaha galmo ee ka dhanka ah haweenka Pakistan oo ah dal inta badan kufsiga aan la shaacin.
Dawlat Khan, oo 25 jir ah, ayaa bishii May waxaa xabsi daa’in ku xukuntay maxkamad hoosaad ku taalla degmada Buner ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa kadib markii uu kufsaday haweeney maqalka la’.
Waxaa xabsiga laga sii daayey Isniintii kadib markii Maxkamadda Sare ee Peshawar ay aqbashay heshiis ka baxsan maxkamadda oo ay ogolaadaan qoyska haweeneyda la kufsaday.
“Kufsadaha iyo dhibbanaha waxay kasoo wada jeedaan isku qoys,” waxaa sidaas AFP u sheegay Amjad Ali, oo ah qareenkiisa.
“Labada qoys waa ay heshiiyeen kadib markii la isku raacay xal ay gacan ka gaysteen golaha dhaqanka,” ayuu ku daray.
Khan ayaa waxaa la xiray kadib markii haweeneyda uu kufsaday ay canug dhashay horraantii sanadkan, islamarkaana tijaabo laga qaaday ay caddeysay inuu yahay aabaha.
Kufsiyada ayey inta badan adag tahay in la isku maxkamadeeyo dalka Pakistan, halkaasi oo haweenka caadiyan loola dhaqmo inay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com