Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada labada Aqal oo maanta ansixiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2023-ka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 4-aad ee wadajirka ah ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoonka labada aqal iyo ku-xigeennadooda ayuu ajandahu ahaa akhrinta sedexaad iyo ansixinta miisaaniyadda 2023-ka. Wadarta guud ee Miisaaniyadda sanadkan oo gaartay $973,985,805. Miisaaniyadda sanadkan oo loo kordhiyay xarumaha danta guud sida xarumaha caafimaadka dowladda, waxbarashada iyo hay’adaha amniga ee dalka.

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 172 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyadda waxaa diiday 0 waxaa na ka aamusay 1 Mudane.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda sanadka 2023-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyadda sanadkan ay ansax tahay isagoo guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal, guddiyadda maaliyadda ee Baarlamaanka ayuu uga mahadceliyay dadaalkii dheeraa ay soo geliyeen isla-markaana ay ku bixiyeen juhdi iyo wakhti badan si dadka iyo dalka loogu adeego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Caan ah oo Imaaraadka ku qal qaalinaya in ay iibsadaan koox Wiilkiisa taageero

Cabdi Cade

Afar Musharax ay ku jiraan Xasan Sheekh iyo Kheyre oo Caawa kulan yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliye Gorod oo amar adag ku soo rogay ciidamada dowlada ee isticmaala Qaadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---