Allbanaadir.com
NEWS

Villa Soomaaliya oo Faahfaahisay safarka Madaxweyne Geelle iyo inta uu Muqdisho joogayo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Labada Madaxweyne ee walaalaha ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

Intaas kaddib, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu weheliyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gacan-qaaday Madaxda soo-dhaweynta ugu timid ee heer-dowlad goboleed iyo heer Federaal oo ay ka mid ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Kuxigeenkiisa, Wasiirro iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, boqollaal shacab ah ayaa ku sugnaa garoonka Aadan Cadde si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka walaalnimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul u xiran dowlada Somalia oo loogu magac daray garoon dayuuradeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Dil toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Hargeysa iyo Booliska Somaliland oo..

Caydiid Ali

Xabad joojintii ay ku heshiiyeen Azerbaijan iyo Armenia oo burbur qarka u saaran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---