Xiriirka caalamiga ah ee kubada cagta FIFA ayaa mar kale dharbaaxo kulul ku dhufatay madaxdii Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ee waqtigooda dhamaaday iyo guddigooda doorashadda.
Qoraal ay mar kale soo saartay FIFA ayaa waxay si weyn ug canaanatay xafiiska xogheynta iyo guddiga doorashadda, waxeyna ku celisay inaan la qaban karin doorashada hogaanka xiriirka Kubbada cagta Somalia oo lagu wado in beri lagu qabto Muqdisho.
FIFA ayaa Guddiga doorashadda si cad ugu sheegtay in go’aamaddi ay gaareen ay dib ugu laabtaaan oo ay saxaan, doorashadana la furo, ama in markale dib loo soo bilaabo hanaan doorasho oo loo sameynayo road map cusub.
Madaxda xiriirka ee waqtigooda dhamaaday waxay si dadban ugu codsatay FIFA inay fara gelinta ka dayaan guddiga madaxa bananan ee doorashada, arrintan ayaa timid warqaddi Ilham Gasar oo ah xubin ka mid ah guddiga doorashada ay u dirtay FIFA taasoo ay ku cadeysay in guddiga doorashadda faragelin ku hayaan.
Arritan ayaa ku soo beegantay xili Khilaaf xooggan uu ka dhex qarxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga DF iyo xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta kaasoo salka ku haya doorashada gudoonka cusub ee xiriirkaas.
War saxaafadeed dhowaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay ineysan aqbali doonin doorasho hal dhinac ah oo loo qabto gudoonka XSKC.
Wasaarada ayaa intaas ku dartay in loo baahan yahay doorashada gudoonka xiriirka kubada cagta in loo qabto si cadaalad ah oo daah furan.
hadalka Wasaarada ayaa jawaab u ahaa qoraal uu dhowaan soo saaray guddiga doorashada Xiriirka kubbada cagta Soomaaliya oo lagu sheegay inuusan jirin musharax soo buuxiyey shuruudaha doorashada hogaanka xiriirka, marka laga reebo Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo ah Guddoomiyaha xilka sii haya ee xiriirka Kubadda Cagta, taasoo ka dhigan ineysan jirin cid Gudoomiye Cali Shiine kula tartameysa doorashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com