Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo digniin adag soo saaray

Hoggaamiyaha maamulka TPLF ee gobolka Tigray, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in nabadda gobolka aysan si buuxda u soo laaban doonin ilaa ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka Amxaarada ay gobolkaasi ka baxaan.

Gebremichael ayaa sheegay in aan la aqbali karin in kala bar gobolka Tigray uu nabad ahaado, iyadoo uu dhinac kale uu xasuuq ka socdo .

Waxa uu hadalkan jeediyay xilli wafdi sare oo ka socotay dowladda ay markii ugu horreysay booqanayeen gobolka tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay labo sano ka hor.

Heshiiska nabadeed ee ay gaareen TPLF iyo dowlada Itoobiya ayaa qeybo ka mid ah la dhaqan geliyey kuwaasoo ay ka mid yihiin soo celnta adeegyada aasaasiga ah ee gobolka Tigray, sida Konrontada, isgaarsiinta iyo bankiyada.

Hase ahaatee waxaa weli laga shaqeynayaa in la dhaqan geliyo qodobka ugu adag heshiiskaas oo ah iney hubka dhigaan dagaalyahanada TPLF, waxaana kooxdan ay fulinta qodobkaas shuruud uga dhigeen in marka ciidamada Eritreya iyo maleeshiyaadka axmaaradu ka baxaan gobolka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal ka tirsan Yurub oo $ 40 milyan ugu deeqay Soomaaliya

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo ka laabtay hadal uu horey u sheegay kadib markii laga carooday

Cabdi Cade

Gobol dhan oo dadka kunool lagu soo rogay Bandow kaddib bililiqo dadkiisa geesteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---