Allbanaadir.com
NEWS

Odayaashii u xirnaa heshiiska Al-shabaab oo Magalada Muqdisho loo soo wareejiyey

Sadexdii Oday Dhaqameed ee kasoo jeeday Beesha Cadaado, kuwaasoo dhawaan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug heshiiska kula galay Al-Shabaab ayaa maanta laga soo dejiyey Muqdisho.

Odayaashaan oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Cali-yare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa Magaalada Dhuusamareeb kadib markii lagu qabtay Cadaado xili ay ka soo laabteen degmada Xarardheere oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Maamulka Galmudug iyo taliska qeybta 21aad ee ciidanka XDS ayaa dhawaan si wadajir ah u sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadayo cid kasta oo la macaamiisha Al-Shabaab.

Raggan oo intaan laa xirin warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa waxay sheegeen in sababta ay heshiiska ula galeen AlShabaab ay aheyd inay kasoo badbaadiyaan ku dhawaad 70 ruux iyo gaadiid ay Al-Shabaab si xoog ah uga heysteen Beesha taasoo ay sheegeen iney ku guuleysteen inkastoo aysan saxaafada u soo bandhgin dadka iyo gaadiidka ay soo furteen.

Sababta loo keenay odayaashan Magaalada Muqdisho ayaa lagu iney tahay sidii loogu oogi lahaa dacwad si loo Maxkamadeeyo, waxaana loo gacan geliyey heyadaha garsoorka dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Baydhabo ee guddiyada DF & D/Goboleedyada oo heshiis lagu gaaray

Caydiid Ali

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Deegaano horey looga qabsaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Macawuusley la dagaallamaysa Al Shabaab oo lagu wareejiyay Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---