Allbanaadir.com
NEWS

Shil gaari oo Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha (Daawo Sawirada)

Gaari weyn oo nuuca xamuulka qaada ah oo siday shixnad ayaa ku bareeg goostay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho gaar ahaan wadada Jid Mareexaan , waxaana shilkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in darawalka gaariga waday uu mar qura bareeg ka waayay gaariga, waxa uuna dardaray gaarigaasi gaadiid kala duwan iyo mootooyin  wadada socday iyo kuwa hareeraha marayay.

Inta la xaqiijiyay shilkaasi waxaa ku geeriyootay gabar ardayad aheyd oo lagu magacaabayay Najmo Cabdicasiis Cilmi oo kasoo baxday jaamacadda Soomaaliya ay dhiganeysay, waxaa sidoo kale shilka ku dhaawacmay dad ka badan 10-qof.

Dadka dhaawacmay oo loola cararay qaar kamid ah isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa qaarkood la sheegay in ay qabeen dhaawacyo culus, waxaana goobta shilku ka dhacay gaaray oo baaris wada ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya.

Shilkan ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa noqday kii ugu xumaa ee muddooyinkan dhaw halkaasi ka dhaca, waxaana dadkii halkaasi ku sugnaa markii uu shilka dhacayay la kulmeen argagax iyo cabsi badan.

Exif_JPEG_420
Exif_JPEG_420
Exif_JPEG_420
Exif_JPEG_420
Exif_JPEG_420

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaadiidka ciidamada AMISOM oo jiiray Mooto bajaaj, ka dibna ka cararay

Caydiid Ali

Dad ku dhaw 100-qof oo u geeriyooday kuleel xad-dhaaf ah iyo Digniin lasoo saaray

Cabdi Cade

Guddiga doorashada heer federaal oo hakiyey doorashada Saddex kursi (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---