Allbanaadir.com
NEWS

Nin dhalay in ka badan 100-carruur ah oo go’aansaday in Xaasaskiisa dhalmada ka joojiyo (Sawirro)

Nin beeralay ah oo u dhashay dalka Uganda oo haysta 102 carruur ah uu dhalay iyo 568 carruur ah ay sii dhaleen ilmihiisa ayaa go’aansaday in xaasaskiisa ka joojiyo in mar kale uur qaadaan si ay u dhalaan carruur kale.

Musa Hasahya, oo 67 jir ah, ayaa carruurtan boqolka ka badan ka dhalay 12-xaas uu guursaday, waxa uuna hadda ka codsaday xaasaskiisa inay isticmaalaan daawooyinka ka hortagga uurka si aysan mar kale carruur u dhalin.

Ninkan ayaa sheegay in dhibaato badan kala kulmay qiima kaca ku yimid maciishada laga maarmaanka ah, waxa uuna xusay in daqligiisa uu sii yaraanayo sidaa darteed uu dhibaato u arko in carruur kale loo dhalo.

”Daqligaygu wuu sii yaraanayaa sannadahaan, sababtoo ah qiimaha maciishada oo kor u kacay iyo qoyskeyga oo marbo marka ka dambeesa sii kordhaya ayaa dhibaato ii keentay” ayuu yiri Musa Hasahya.

Mr Hasahya iyo qoyskiisu waxay ku nool yihiin beertiisa oo kutaalla deegaan lagu magacaabo Lusaka oo katirsan dalka Uganda, deegaankan ayaana la sheegay in uu sharci ka yahay guurka xaasaska badan

Waxa uu sheegay ninkan in dhammaan xaasaskiisa ay ku wada nool yihiin hal guri, waxa uuna xusay in sidaas u sameeyay in uu la socda xaalada xaasaskiisa sidoo kale uga ilaaliyo raga.

Xaaska ugu yar ee ninkan oo lagu magacaabo Zulaika, waxa ay u heestaa odaygeeda 11-carruur ah, waxa ayna sheegtay in hadda kaddib dooneyn in ay carruur kale dhasho, waxa ayna cadeesay in ay rabto in ay qaadato kaniiniga kahortagga uurka.

“Carruur dambe ma dhalayo. Waxaan arkay xaaladda dhaqaale xumo oo reerkayna lasoo daristay . hadda waxaan qaadanayaa kaniinka ka hortagga uurka” ayey tiri xaaska ugu yar in odayga xaasaska badan.

Aabahan dhalay in ka badan boqolka carruur qiyaastii saddex meelood meel carruurta uu dhalay ayaa da’doodu waxa ay u dhaxaysaa lix ilaa 51 sanno jir, waxayna xaasaskiisa iyo carruurtiisa ninkan kula nool yihiin beertiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamadii shalay gadoodka ka sameeyey Muqdisho oo dhamaantood xabsi lagu guray

Caydiid Ali

Gabar Soomaaliyed oo geeriyootay markii ay ka soo dhacday dhisme 6 dabaq ah

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---