Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Munaasabad weyn oo soo dhaweyn ah u sameeyay Ilhan Cumar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabad soo dhaweyn iyo casho sharafeed ah ugu sameeyay magaalada Muqdisho, Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo isugu jira masuuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar ay muujisay karti, aqoon iyo firfircooni, taasi oo uu sheegay inay sabab u tahay guusha ay ka gaartay Mareykanka.

Waxaana uu sheegay inay tusaale wanaagsan u tahay qurbajoogta Soomaaliyeed ee hiigsigooda darteed meel sare ka gaaray siyaasadda dalalkooda.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo iyana ka hadashay xafladda ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyada oo ku ammaantay Xukuumadda #DanQaran guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaartay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatooyinka ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Madaxweynaha Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaannada labada Aqal, Wasiirro iyo marti sharaf kale.

Related posts

Dayax Madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa qarnigan oo 19ka bishan la filayo & Somalia oo..

Caydiid Ali

DF oo soo bandhigtay 3 Xulasho oo la xiriira Maqaamka Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidano katirsan dowladda oo Markab dagaal dushiisa Tababar ku qaatay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---