Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo diiday qaar ka mid ah qodobadii ay soo saareen ururada Siyaasada Puntland (Akhriso)

Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni, ayaa Qoraal uu soo saaray kusoo dhoweeyay dadaalka Ururada Siyaasadda Puntland ee ka qeybgalka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka Puntland.

“Waxaan 8-dii December 2022 iyo 18 December 2022, aan kulamo la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland, waxaan dhegaystay soo jeedimahooda la xiriira arrimaha Doorashooyinka iyo waxkasta oo aan u arkeynay in ay cabasho ka muujinayaan si xal looga gaaro, kulamadaasi waxaa ay qeyb ka ahaayeen kuwo aan la qaatay Guddiga Doorashooyinka iyo Ururada Bulshada si loo dardargeliyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland” ayuu yiri Deni

“Ururada Siyaasadda Puntland waxaa ay ila wadaageen 13 qodob oo ay u arkeen kuwo u baahan in wax laga qabto kahor xiliga doorashada, 11 qodob oo ka mid ah soojeedintooda waxaan ka bixinay garowshiyo oo qeybtood waxaan dhameystirnay iyadoo ay kulamadu noo socdaan, halka 2 qodob ay u baahdeen wax ka bedel Sharci” ayuu intaas ku daray Deni.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA DENI OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo markii 6 aad iclaamiyay Shir looga hadlayo arimaha Doorashada !!

admin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay ka degay magaalada London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---