Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Wasiir hortagay kulankii xubnaha labada aqal oo su’aalo adag la weydiiyey

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 3-aad ee wadajirka ah oo uu weheliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 2-aad ee miisaaniyadda 2023-ka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa ku-xigeennada labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre iyadoo si qoto-dheer looga dooday kororka Miisaaniyadda 2023-ka.

Waxaa xildhibaanadu ay su’aalo  weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, isagoo faahfaahin ka bixiyay dhammaan weydiimihii loo soo jeediyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu dambeyn soo xiray kulanka isagoo sheegay in dib loogu celin doono Guddiga Miisaaniyadda labada Aqal iyo Wasaaradda Maaliyada si loo tixgeliyo soo jeedinta xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka farmaajo & mucaaradka oo wado qorshe ka dhan ah dowladnimada & Al shabaab oo lagu qabtay ….!!

admin

Dad ka badan 20 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhisme ku yaalla marinka Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxeyne Farmaajo oo War kasoo saaray Qaraxii dadka badan lagu laayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---