Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahino ka soo baxaya Shilkii dayuuradeed ee Garoonka Aadan Cabdulle

Waxaa baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan shil Dayuurada Ethiopian Airlines ay caawa ku gashay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid sida warar soo baxaya sheegayaan markii mid ka mid ah matoorada diyaarada ay waxyeello soo gaartay in yar ka dib markii ay ka duushay Garoonka Aadan Cabdulle.

Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka dowlada Somalia ayaa Allbanaadir Online u sheegay in mid ka mid ah matoorada dayuurada uu fariistay markii ay dhex gashay wax loo malaynayo iney aheyd shimbir, taasoo sababtay inuu qiiq iyo dab ka baxo.

Wararka ayaa sheegaya in dayuuradu ay markiiba dib ugu soo laabatay garoonka Aadan cadde, Shaqaalaha iyo rakaabkii saarnaa diyaaradana ay bad qabaan inkastoo uu dib u dhac ku yimid safarkii dayuurada oo caawa ku hoyaneysa garoonka Muqdisho.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamaa Jubbaland oo sameeyay Dhoolo tus ay awoodooda kusoo bandhigeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erodgan oo Kawaanle ku tilmaamay Netanyahu xiriirka ganacsina u jaray Israel

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo weeraray markab ku soo jeeday Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---