Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wafdi ka socda Itoobiya oo gaaray Makelle ka dib dagaalo labo sano socday

Wafdi ka socday Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeysay muddo ku dhow laba sano gaaray magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray si ay ugu biiraan kormeerka fulinta heshiiskii nabadeed ee November.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Itoobiya Tagesse Chaffo Dullo ayaa ka degay magaalada Mekelle ee caasimadda dalka Tigray, isagoo ah hoggaamiyaha wafdigii ugu horreeyay ee heer federaal ah oo taga gobolka tan iyo markii uu dagaalku qarxay Nofambar 2020.

Wafdigan oo ay warbaahinta dawladdu sheegtay in ay ku jiraan xubno ka socda guddiga wada-tashiga qaran ee Itoobiya, ayaa u jooga Tigray-ga si ay uga shaqeeyaan hirgelinta heshiis nabadeed oo ay dhexdhexaadiyeen Midowga Afrika iyo Midowga Afrika, si loo soo afjaro colaaddii lagu hoobtay ee labada sano jirtay.

Heshiiskii Nofambar ee lagu saxiixay Koonfur Afrika waxaa lagu heshiiyey in Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ay dagaalka la joojiyaan ciidamada ajnabiga ahna ka baxaan, in kooxda TPLF ay hubka ka dhigto iyo gargaarkii iyo adeegyadii la xannibay dib loogu soo celiyo gobolkaas

Booqashadan ayaa loo arki doonaa calaamad muujinaysa in heshiiska nabadeed uu hirgalayo, inkastoo ay kooxda TPLF ku eedaysay inay sii socdaan dilalka, dhaca iyo kufsiga ay geysanayaan maleeshiyada gobolka Axmaarada iyo ciidamada Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Al-Shabaab oo sheegtay tirada ciidamada Maraykanka ee lagu dilay Weerarkii Lamu

Caydiid Ali

Kheyre oo Gudoomiyay Shir ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliyaha cusub ee AFRICOM oo kulan xasaasi ah la qaatay Khayre (Maxaa looga hadlay )

admin
Taboola Ads ---