Allbanaadir.com
NEWS

Dibad bax looga soo horjeeday Madaxweyne Laftagareen oo maanta ka dhacay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay dibad bax looga soo horjeeday muddo kororsiga uu sameestay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo hadda Muqdisho ku sugan.

Dibad baxayaasha oo watay boorar ay ku xardhan yihiin sawirada madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo ereyo ay uga soo horjeedaan muddo kororsiga uu sameestay ayaa isu tagay isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dadka dibad baxa dhigayay ayaa ka codsaday madaxweyne Laftagareen in uu xilka isaga dego sidoo kale qabto doorasho xur iyo xalaal ah ayna raali kawada yihiin dadka reer Koonfur Galbeed.

Dibad baxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli madaxweyne Laftagareen uu joogo caasimadda dalka uuna ka qeyb galayo shirka golaha wadatashiga Qaran ee ka furmay madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo xilka ka qaaday Sheekh Yuusuf Kabakudukade iyo Sargaal kale oo lagu bedelay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha cusub oo hal arrin oo Muhiim ah ka codsaday Guddoonka Gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni & Danjire Ben Fender oo ka wada hadlay doorashooyinka Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---