Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Diyaarad duqeysay saldhig ay leeyihiin ciidamada Cirka Ruushka iyo Khasaaro ka dhashay

Wasaaradda difaaca Raashiya ayaa sheegtay inay diyaarad drone oo ay Milliteriga Ukraine leeyihiin ay waaberigii hore ee saakayto oo Isniin ah beegsatay Saldhiga Ciiddanka Cirka Raashiya ee Engeles Airfield ee ku yaalla Gobalka Saratov ee gudaha fog ee dalkaasi.

Diyaaradaasi oo joog hoose ku duulaysay ayaa waxaa toogtay, soona riday Nidaamka Difaaca ee yaalla Saldhigaasi.

3 qof oo Farsamo-yaqaano ah ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray burburka Diyaaradaasi la soo riday.

Wasaaradda difaaca ee Raashiya waxay sheegtay inaysan waxyeelo soo gaarin diyaaradihii yaallay Saldhiga la duqeeyey ee ku yaalla Gobalka Saratov oo 900 KM u jira Deegaanada ay Milliteriga Ukraine ka joogaan bariga dalkaasi.

Saldhigyada Ciiddanka Cirka Raashiya ee Engles iyo Dyagilevo waxaa adeegsada Diyaaradaha wax duqeeya Raashiya ee ridada dheer (Russia’s long-range Bombers), kuwaasi oo ka qeyb qaata Hawlgallada Duqeymaha ee lala beegsado Xarumaha Milliteriga Ukraine iyo Kaabayaasha Tamarta (energy infrastructure).

W/Q Ustaad Nuradin

 

Related posts

Nin la socday gaari Meyd lagu siday oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo xalay xaflad soo dhoweyn loogu sameeyey Baydhabo

Caydiid Ali

Masuuliyiin tagtay Ceeldheer kaddib weerarkii Al Shabaab shalay ku qaadeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---