Allbanaadir.com
NEWS

Cali Dheere oo ka hadlay Heshiiskii ay la galeen Beesha Saleebaan iyo Odayaashii laga xiray Cadaado

Afhayeenka guud ee kooxda Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay heshiis dhawwaan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug kula saxiixdeen odayaal kasoo jeeda beesha reer Xaaji Saleebaan.

Cali Dheere ayaa soo dhaweeyay heshiiskii lagu saxiixay Xarardheere. waxa uuna sheegay in heshiiskaasi meesha looga saarayay colaad dowladda ka dhax abuurtay beesha reer Xaaji Saleebaan iyo Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Cali Dheere in Odayaasha Saleebeen in ay u yimaadeen in heshiis la galaan Al Shabaab lana soo afjaro colaadii labada dhinac u dhaxeysay, waxa uuna xusay in shir socday toban maalin kaddib labada dhinac heshiis isla gaareen.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in dhankooda soo dhaweenayaan heshiiska ay la galeen odayaasha kasoo jeeda beesha Xaaji Saleebaan, waxa uuna xusay in dhankooda heshiiskaasi diyaar u yihiin in ay dhaqan geliyaan .

Dhinaca kale Cali Dheere ayaa sheegay in odayaashii Al Shabaab la galay  heshiiska markii ay ku laabteen magaalada Cadaado kusoo duuleen ciidanka dowladda, kuwaa uu tilmaamay in ay ula dhaqmeen si fool xun kuna xadgudbeen odayaashaazi.

Cali Dheere ayaa sheegay in odayaashaasi la ihaaneestay oo si aan fiicneyna ula dhaqmeen ciidamada, waxa uuna xusay in iyaga oo indhaha ka xiran gaadiid bannaan dusha ka saareen una diideen in xitaa kursi ku fariisiyaan.

Waxa uu sheegay Cali Dheere in odayasahaasi aysan aheyn xubno katirsan Al Shabaab wax shaqo ahna ku laheyn, waxa uuna cadeeyay kaliya in ay ka shaqeeyeen heshiis dhax mara labada dhinac si colaada loo soo afjaro.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay magaalada Cadaado ka xiray saddex oday dhaqmeed oo dhawwaan AL Shabaab heshiis kula soo galay magaalada Xarardheere, odayaashan ayaana lagu eedeeyay in Al Shabaab la macaamileen ayna galeen dambi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo ka hadlay xaalada Boqor Salman oo maalmo ka hor maray Qaliin

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilal maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Safiirka shaqada kataga ee Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---