Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Lix su’aalood oo ka dhashay fadeexada soo wajahday Shaqaalaha rayidka ah ee DF

Waxaa maalmahan si weyn u qabsaday baraha bulshada fadeexad soo wajahday shaqaalaha rayidka ah ee ka howlgala Wasaaradaha DF kuwaasoo la ogaaday in %75 wax badan aysan aysan shaqo tegin, ayna guryahooda iska jiifaan, iyagoo mushaharkoodana qaata.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa arrintaas si kulul uga hadlay isagoo xusay in arrintaas ay tahay Musuqmaasuq ay ku kacaan shaqaalaha DF ee aan soo shaqo tegin

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Agaasimeyaasha Wasaaradaha amar ku siiyay in meesha laga saaro shaqaalaha aan soo shaqo tagin ee mushaharaadka qaato.

Mudane Hamza Abdi Barre waxa uu sheegay in qofka dowladda mushaar ka qaadanaya ee aan shaqadana iman, inuu xaaraan cunayo, ilmahiisana xaaraan siinayo, taasi oo ah buu yiri musuqa meesha uu ka billowdo, kuna dhammaado.

“Waa nasiib daro in qof shaqaale dowladeed uu qaato isagoo gurigiisa jiifa $700, iyadoo askariga furunta dagaalka jooga oo qaata $200 uu wajaho dhimasho, dhaawac iyo inuu Naafoobo” ayuu yiri RW Xamse

Haddaba Shiikh Maxamed Idriis oo ka mid ah culuimada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa 6 su’aalood oo maangal ah ka keenay shaqaalaha maqan ee iska qaata mushaharka kuwaasoo kala ah:-

Fadeexadda 4535 shaqaale dawladda u qoran oo (hurdada) ama (magaca) lacag ku qaata shaqana xaadirin:

1) Ilaa goorma ayey maqan yihiin? Waa immisa lacagta la lunsaday?

2) dadkii madaxda u ahaa miyaanay ogayn? Haddey ogaayeen maxay wax uga qaban waayeen?

3) haddii 1210 shaqaale oo jooga ay dawladdii ku socoto 4535 maxaa looga baahan yahay?

4) Shaqaalaha magaca ah ama maqan ma keligood ayaa lacagta qaata? Mise kuwa qariyey ayaa la qaybsada?

5) Miyaanu jirin dabagal shaqaale? xisaab lacageed? hubin miisaaniyad? Baaritaan gudaha Wasaaradaha (Internal control & audit).

6) Eedda ma agaasimayaasha keliya ayaa leh mise wasiir, wasiir ku-xigeen ayaa arrintaas wax kala socda?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo maalintii labaad ka socda deegaan katirsan gobolka Mudug

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo sheegtay inuu si dirqi ah kaga badbaaday taliyaha Booliska G/Banaadir

Caydiid Ali

Abshir Kaaraan oo maanta ka bad baaday Qarax la doonayay in lagu dilo

admin