Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamado Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Sh/hoose oo la burburiyey (Sawirro)

Howlgalo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka gaarka ah ee NISA iyo Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta laga sameeyey degaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan oo ahaa mid baaxad leh laga sameeyey wadada isku xirta Muqdisho iyo Marko.

“Waxaa howlgalkan uu ahaa mid khawaarijta lagu sifaynayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marko ayaa waxay ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo khawaarijtu ay ku lahaayeen degaannada Ceel-maracade, Buufow bacaad, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo degaano hoos taga Number 60” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidanka Haramcad.’

Waxaa uu sheegay in howlgalkan lagu burburiyey wax uu ugu yeeray maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan.

“Intii howlgalka uu socday sidoo kale ciidamadu waxay xireen wadooyin Khawaarijtu ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka” intii intaas ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal ka dhacay xarunta taliska Howlgalka ATMIS ee Xalane iyo xiisad ka taagan

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka geeddi socodka dayn cafinta Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Korneel Cismaan Jeelle oo geeriyooday iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---