Allbanaadir.com
NEWS

Sawirro: Madaxweyne Qoor Qoor oo soo gaaray Muqdisho kana qeyb galaya shirka..

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor ) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug xildhibaano katirsan labada aqal, wasiiro ,saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo lagu wado in uu dhawwaan ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirka golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in uu ka furmo Muqdisho, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan Muqdisho soo gaaraan madaxda kale maamulada ee caasimadda ka maqan.

Related posts

Daawo Sawirada; Hay’adda SAFE  oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisey Jaamacada Horn of Africa

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dad isku qoys ahaa oo xalay lagu dilay Deegaanka Xaluule

Cabdi Cade

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---