Golaha wakiiladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo xiisada siyaasadeed ee wali ka taagan magaaladaasi.
Qoraal ay soo saareen golaha waiiikadda Koonfur Galbeed ayey ku baaqeen in la joojiyo colaada, sidoo kale laga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida magaalada Baydhabo.
Golaha wakiiladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in ay ka xun yihiin in guddoomiyaha golaha shacabka dib u dhigo shirkii dib u heshiisiinta ee looga hadli lahaa khilaafka siyaasadeed ee taagan iyo arrimaha doorashooyinka.