Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirro kuwa cusuba magacaabay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasaan Maxamed (Laftagareen) ayaa wareegto uu soo saaray xalay saqdii dhaxe xilka uga qaaday labo kamid ah golihiisa wasiiradda, isaga oo sidoo kale magacaabay kuwa cusub.

Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Laftagareen ayaa xilka looga qaaday wasiiru dowlihii wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose iyo sidoo kale wasiir kuxigeenkii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha .

Madaxweyne Laftagareen ayaa wareegtada uu soo saaray ayaa lagu magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo loo magacaabay Cabdifitaax Cali Yuusuf, kaddib markii uu xalay is casilay wasiirkii hore ee wasaaradan Ilyaas Cali Nur.

Wareegatda kasoo baxday Laftagareen ayaa sidoo kale loogu magacaabay Cabdullaahi Maxamed Aadan in uu noqdo wasiiru dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha, halka Cumar Cabdiaxmaan Maxamed loo magacaabay wasiir kuxigeenka wasaaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Xil ka qaadista iyo magacaabista uu sameeyay madaxweyne Laftagareen ayaa kusoo aadeysa xilli magaalada Baydhabo ka jirto xiisad ka dhalatay muddo kororsiga uu sameestay  Laftagareen, taa oo ay si weyn uga soo horjeedaan siyaasitiinta K/Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin bilaabay in uu lugeeyo 7,000 oo km si uu u gaaro magaalada Makka (Sawirro)

Cabdi Cade

Jeneraal Biixi oo tagay deegaan Al Shabaab sheegeen in ay la wareegeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble Baaqna u diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---