Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qalad yaab leh oo dhacay xili RW Talyaaniga ay booqaneysay Baqdaad

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Shiyaac As-Suudaani ayaa dhigiisa Talyaaniga Georgia Meloni oo booqasho Rasmi ah dalkaas ku tagtay shalay kusoo dhaweeyay Calanka Dalka Ireland.

Khalad Baratakool oo dhacay ayaa sababay in halkii Calanka Talyaaniga lagu soo dhaweyn lahaa loo badalay midka Dalka Ireland.

Inkastoo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq khaladkaas Baratakool ku dhaceen hadana sheekada layaabka leh ayaa waxay tahay in Gabadha Reisal Wasaaraha ka ah Talyaaniga ee Georgia Meloni  iyo xubnihii la socday midkoodna uusan ku baraarugin Calanka inuusan aheyn Calankooda, iyagoo Kulankoodana iska sii watay, isla Calankaas Ireland hortiisa ayeyna Shirka Jaraa’id ku qabteen.

Labada calan ee Ireland iyo talyaaniga ayaa ah kuwo aad iskugu eg naqshad ahaan, kaliyana waxay kula duwan yihiin midabka guduudka ee kan Ireland inuu yahay qafiif, halka midka Talyaanigana uu yahay casaan caadi ah.

SAWIRADA; Waa labada Ra’iisul Wasaare oo Shirkii Jaraa’id qabanaya xili goobtana suran yahay Calanka Ireland.

CALAMADA LABADA DAL
CALAMADA LABADA DAL

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe “Farmaajo wuu nooga dhaartay dagaalka Tukaraq, waana ka rumeysanay”

Caydiid Ali

Mareykanka oo xukun adag ku riday Haweeney xubin firfircoon ka aheyd kooxda Daacish

Caydiid Ali

Dal Afrikan ah oo lacag dhan 2.6 Milyan Dollar ku bixiyay tababar ku saabsan sida loo cabo kafeega

Cabdi Cade
Taboola Ads ---