Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil si weyn looga carooday oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay saacado yar ka hor nin darawal ka ahaa mooto Bajaaj uu ugu xamaali jiray qoyskiisa ka dib markii uu rasaas ku furay askari Boolis ah.

Marxuum Cabdiraxmaan Shiikh Caddow ayaa lagu dilay nawaaxiga isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ka dib markii askari ka tirsan ciidanka Booliska oo la socday gaari nooca dagaalka ah uu ku riday xabad ka dhacday qoriga dhashiikaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in marxuumka uu isla goobta ku geeriyooday, iyadoo askarigii dilay iyo gaarigii uu la socdayba ay goobta ka baxadeen.

Ehelada marxuumka iyo dadkii ku sugnaa goobta dilku ka dhacay ayaa si weyn uga carooday, kana xumaaday dilkan, iyaggoo ka codsaday madaxda DF iney doonayaan cadaalad.

“Wuxuu ahaa qof maskiin ah, wuxuu ka tagay xaas iyo saddex caruur ah, isha kaliya ee ay noloshoodu ku tiirsaneyd waa isaga, madaxda dowlada iyo saraakiisha Booliska waxaan ka dalbaneynaa cadaalad” ayuu yiri mid ka mid ah ehelada marxuumka oo warbaahinta la hadlay.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kan gobolka banaadir ayaan illaa haadda wax war ah ka soo saarin dhacdadan lagu dilay ninka bajaajlaha ah ee laa dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo labo shardi ku xiray inuu xiriir diblomaasi la sameysto Israel

Caydiid Ali

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Cadale (Sawirro)

Cabdi Cade

Mucaaradka Somaliland oo wajahaya culeys cusub iyo Farmaajo oo mar kale raadinaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---