Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Biden oo qaaday talaabo ka farxisay Maamulka Somaliland (Akhriso)

Madaxweyne Joe Biden ayaa ansixiyey Miisaaniyadda difaaca qaranka ee 2023, miisaaniyaddan oo dhan 816.7 bilyan oo dollar, ayaa loo ansixiyey Waaxda Difaaca ee Maraykanka, waxaana loogu talogalay wax kasta oo la xiriira amniga iyo difaaca Maraykanka.

Miisaaniyaddan waxa qayb ka ah iskaashiga Maraykanku la yeelan doono Somaliland ee arrimaha amniga sanadkan soo socda 2023.

Warbixin lagu faahfaahiyey miisaaniyaddan ayaa waxa soo saaray guddiga ciidamada ee Congreska Maraykanka, Sida lagu sheegay warbixintaasna, iskaashiga Maraykanku la leeyahay Somaliland ayaa qayb ka noqon doona meelaha miisaaniyaddan lagu bixinayo, iyadoo Somaliland ka mid noqonayso dawlado hore oo uu Maraykanku la lahaa iskaashi, Miisaaniyadda Waaxda Difaacana lagu soo dari jiray.

“Inkasta oo aanu Maraykanku Somaliland u aqoonsanayn dal madaxbannaan, haddana goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland kaga taallo Geeska Afrika iyo aagga Badda Cas ayaa kor u qaadaya danaha Maraykanku ka leeyahay Somaliland, iskaashi uu Somaliland la yeeshona ka dhigaya mid ka qayb qaadanaysa danaha Maraykan iyo amniga qaranka” ayaa lagu yiri warbixinta guddigu diyaarisay.

Guddiga ayaa warbixin dhamaystiran ka soo saari doona iskaashigan iyo sii xoojintiisa 31 May, ee sanadka soo socda ee 2023. Dhinacyada la iska kaashanayo, miisaaniyaddana lagu bixin doono waxa ka mid ah: adeegsiga dekedaha Somaliland, tababarro ciidan iyo iskaashiga sirdoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ukraine oo dayuurad dagaal ku weerartay Magaalada Moosko & Putin oo (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgal lagu soo qabqabtay ciyaal Weero oo xalay laga sameeyay xaafado katirsan Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlad shacabkeeda ka mamnuucday Facebook & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---