Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo kulan degdeg ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan degdeg ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhabo.

Laftagareen ayaa kala hadlay odayaasha dhaqanka uu la kulmay xal u helida dagaalkii khasaaraha kala duwan sababay ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo iyo sidii loo dejin lahaa xiisada wali ka taagan qeybo kamid ah Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaana usoo jeediyay odayaasha uu la kulmay in doorkooda odaynimo uga qaataan sidii xal nabadeed loogu dhameyn lahaa shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo, loogana baaqsan lahaa in dhibaato kale dhacdo.

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda u sheegay madaxweynaha in doorkooda odaynimo ka qaadanayaan intii karaankooda ah xal u helida xiisada ka taagan Baydhabo ee ka dhalatay muddo kororsiga uu sameestay madaxweynaha.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa si weyn uga soo horjeeda in muddo kororsi hal sanno ah sameesto madaxweyne Laftagareen, waxa ayna siyaasiyiintan ku baaqeen in la qabto doorasho raali laga wada yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo si kulul uga hadlay talaabadii uu qaaday danjiraha DF u fadhiya Kenya

Caydiid Ali

Amaanka Masaajidyo kuyaala Yurub iyo Amerika oo si weyn loo adkeeyay

Cabdi Cade

Siyaasiyiin & Xildhibaano Mucaarad ah oo lagu eedeeyey iney Alshabaab u fidiyeen dacaayad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---