Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo la kulmay Ganacsato ka socotay dalka Turkiga (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay Dalka Turkiga iyo Madaxa hey’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus.

Kulankan ayaa  looga hadlay fulinta mashaariic wax ku’ool ah oo laga fuliyo caasimadda Muqdisho, iskaashiga la xariira dhismaha waddooyinka, xarumaha danta guud, hirgalinta warshadaha wax soo saarka, qhaqa abuurka dhallinyarada, xal u helida qaxootiga iyo narakacayaasha.

Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay dowladda Turkiga iyo shacab keeda kaalinta joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarrinta Caasimadda.

Related posts

Cabsidii ugu xooganeed oo ka taagan Muqdisho iyo Shacabka oo wadnaha farta ku haya

Cabdi Cade

Ciidanka cirka Soomaaliyeed oo 60 jirsaday & Duuliye Asli Calansido oo hambalyo direysa

Caydiid Ali

Hogaamiyaha TPLF: “Addis-Ababa inaan maamulno uma tagayno, Waxaan diyaar u nahay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---