Allbanaadir.com
NEWS

Maradii uu Amiirka Qatar u xiray Ciyaaryahan Messi oo lacag badan lagu raadinayo !

Dalka Qatar ayaa maalmo kahor lagu soo gabagabeeyay koobkii adduunka ee sida xiisaha lahaa halkaasi uga socday, waxaana gabogabadii koobka Amiirka Qatar markii koobka uu guddoonsiinayay kabtanka Arjantiin Leonel Messi uu u  xiray maro sharafeed madow .

Marada madow ee Bishti-ga loo yaqaan ee loo xiray Messi kuna galay sawirada uu koobka ku guddoomayay ayaa si weyn dunnida caan uga noqotay, waxaana sawirka uu ku galay maradaasi uu noqday midkii ugu saameynta badnaa barta Instagramka.

Xildhibaan u dhashay dalka Cumaan oo lagu magacaabo Ahmed Al Barwani, ayaa usoo bandhigay ciyaaryahan Messi in uu kaga iibsado marada madow uu u xiray Amiirka dalka Qatar lacag gaareysa hal milyan oo dollar.

Waxa uu sheegay xildhibaanka reer Cumaan in uu doonayo in marada taariikhiga ah uu ku hayo Bariga Dhaxe, waxa uuna ka codsaday ciyaaryahan Messi in maradaasi ka iibsado uuna fuliyo dalabkiisa.

“Anigoo ka wakiil ah Suldaanka Cumaan, waxaan kuugu hambalyeeynayaa hanashada Koobkii Adduunka ee Qatar 2022.Bisht-ga Carbeed waa calaamad u taagan maqaam sarre iyo xigmad. Waxaan ku soo bandhigayaa hal milyan doolar anigoo kaaga bedelanaya marada Bisht.” ayuu yiri Ahmed Al Barwani.

Marada Bishti-ga ee loo xiray Messi ayaa ah maro dhaqan u ah dadka carabta gaar ahaan dadka reer Qatar ee maqaamka sarre ku jira, maradan ayaa inta badan la xirtaa kaliya waqtiyo kooban sida aroosyada iyo xafladaha waa weyn, waxaana loo arkaa ixtiraam weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo badan oo dalka Dibadiisa lagu soo tababaray oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Deni oo hal arrin uga mahad celiyey Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha shacabka (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasaan Sheekh oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo Qaban qaabo socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---