Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin iyo Taliyaal Ciidan uu ku jiro Odawaa oo gaaray Deegaanka Daaru Naciim (Sawirro)

Masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, deegaankan ayaana kamid ah goobihii dhawwaan Al Shabaab laga saaray.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka xoogga,taliyaha ciidanka dhulka, Senatar iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe  ayaa kormeer u tagay deegaanka Daaru Naciim.

Masuuliyiinta iyo taliyaasha ciidamada ee la socda ayaa kulamo la qaatay waxgaradka deegaanka iyo sidoo kale ciidamada macawuusleyda ee ku sugan deegaankaasi, kuwaa ay kala hadleen xaalada deegaanka iyo sidii howlgalka loo sii dhaqaajin lahaa,

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in uu sii soconayo howlgalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Al Shabaab looga saarayo guud ahaan dalka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa guulo waa weyn ka gaaray howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ayna ciidamada la wareegeen degmooyin iyo deegaano badan oo horey ugu jiray gacajnta kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo qaabilay Mss. Kristina Svensson iyo xubno ay horkaceysay (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirka Sanadlaha arimaha Caafimaadka oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) DF oo caawa ciidamo badan soo dhoobtay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---