Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi la socda ayaa kulan gaar ah la yeeshay afhayeenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.
Wasiir Axmed Macallim Fiqi iyo guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Pakistan Mud. Raja Pervez Ashraf ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireen ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidoo looga shaqeyn lahaa danta labada dal.
Raja Pervez Ashraf ayaa ku amaanay dowladda Soomaaliya horumarada ay dalka ka sameesay, waxa uuna ballanqaaday in dowladiisa wada shaqeyn dhaw la yeelan doonto Soomaaliya kana shaqeenayaan xoojinta xiriirka labada dal.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo howlo shaqo u jooga dalka Pakistan ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madax kala duwan oo katirsan dowladda Pakistan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com