Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Baydhabo iyo howlgalo cusub oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ka bilaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay masjidka ku dhax yaalla Madaxtooyada salaadii jimcaha kaddib ayaa sheegay in dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Baydhabo uu yahay xilligan mid laga naxo oo laga murgoodo.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ay colaada u dhaxeyso in ay qoriga dhigaan isuguna tagaan gogosha nabadeed ee fidsan si ay uga wada hadlaan khilaafka siyaasadeed waxii aragti kala duwanaan ahna uga wada hadlaan.
”Walaalaha reer Baydhabo waxaan leenahay colaad idinkuma cusba horaad usoo aragteen, mid aad idinka isku geesateen iyo mid kor idinkaga timid intaba waad soo aragteen, qorayga dhulka dhiga oo gogosha iskugu imaada, is warsada oo ninkii aan idin anfacey raali ahaaw dhaha , kan idin anfaca heesta haddii uu joogo ,haddii uu maqan yahayna keensada” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda guulo ka gaareen howlgaladii ka socday Hirshabelle, waxa uuna sheegay in dhammaan la xureeyay degmooyinka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawwaan deegaanada Galmudug kaga sugan yihiin Al Shabaab laga bilaabayo howlgalo lagu ciribtirayo kooxdaasi, waxa uu sidoo kale sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed la geeyay iyana ciidamo cusub uuna ka bilaabanayo howlgalo.
Hadalka madaxweynaha Soomnaaliya ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisgho la keenay ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea kuwaa oo dowladda qorsheeneyso in ay qeyb ka noqdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com