Allbanaadir.com
NEWS

Gabar walaalkeed lacag u ururinaysay sannado badan si uu ugu guursado !!

Jaceylka labada waalid ay kuu qabaan marka laga soo tago, walaashaa jaceylka ay kuu heyso majiro qof kale oo aad ka heleysid. Haddii aad u baahan tahay tusaale nool oo aad ku hubsan kartidna waa sheekada soo aadan.

Haweeneydan u dhalatay Shiinaha ayaa lagu soo warramayaa inay muddo 12 sannadood ah ururinaysay lacagtii uu walaalkeed la dhashay ku guursan lahaa ama uu isaga bixin lahaa qarashka guurka.

Yoolkeedu wuxuu hadiyo jeer ahaa inay aragto walaalkeed oo hela lammaane uu nolosha la qeybsado. Xaqiidii, ma ahan wax qarsoon in helidda lammaane aad guursato ay adag tahay marka aad joogtid Shiinaha.

Sababtuna waa isku dheelli-tir la’aanta lab iyo dhedigta oo aad u baaxad weyn taas oo ka dhalatay siyaasaddii dhalmada halka cunug ee la dhaqan geliyay sannadkii 1978-kii. Sidaas darteed, rag badan waxay lammaane ay nolol wadaagaan u raadsadaan dalalka deriska ah iyo miyiga fog ee Shiinaha. Lacag adag ayaase ku baxaysa heliddeeda.

Shiinaha waxaa aad ugu badan ragga doobabka ah ama aan guursan oo da’doodu kor u dhaaftay 30 jirka.

Sidaas darteed ayay haweeneydan intaas oo sannadood lacag ugu ururinaysay walaalkeed si uu ugu helo gabar uu guursado. Waxay sheegtay inay keydisay adduun dhan 100,000 yuan ($14,000) oo beddelkii ay ka isticmaali lahayd ay doorbiday inay sii maalgeliso si walaalkeed uu ugu guursado marka ay si fiican ugu badato.

Waxay sheegtay in xattaa markii ay dhar cusub iibsan jirtay ay ka fikiri jirtay inay keydiso ama ay iska dhaafto si ay ugu badato walaalkeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Gudoomiyay Shir ka dhacay Baydhabo

Cabdi Cade

Ciidamo huwan ah oo la wareegay Deegaano Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo ka jawaabay eedeymo culus oo kaga yimid Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---